Virka.fi
Virka Info - Soomaali Tulosta Sähköposti

Virka Info waa goob talooyin guud laga helo oo ka furan guriga magaalada Helsinki laga maamulo (Helsingin kaupungintalo). Goobta waxaa loogu talagalay inay u adeegto reer Helsinki oo dhan. Goobta Virka Info adeegeedu waa mid isku gunuda ama keenta xarunta hogaanka socdaalka, waaxda diiwaangelinta iyo booliiska kana siisana talooyin qaasa  arrimaha u soo guuridda waddanka.

La taliyayaasha adeeggu way ku hagayaan, waxayna kaala talinayaan su’aalaha ku saabsan magaalada Helsinki iyo adeegyada ay bixiso. Goobta Virka Info waxaad kaloo ka heleysaa wararka ku saabsan qofka waddan kale ka soo guura ee Helsinki u soo guuraa siduu u dhammaysan lahaa arrimaha loo baahan yahay in la sameeyo, tusaale ahaan sida waxyaabaha ku saabsan sharciga deggenaanshaha waddanka, dhalashada waddanka iyo daryeelka arrimaha bulshada ee Finland (suomalainen sosiaaliturva). Af Finnish iyo af Iswiidhish mooyee waxaad kaloo adeegga ku heleysaan luuqadaha ay ka midka yihiin Carabiga, Bulgaariya, Ingiriis, Faransiis, Kurdish, Soomaali, Turkish iyo Ruush.

Virka Info waxaad si ballaaran uga heleysaa war baahin daabacan oo arrimaha Helsinki. Waxayna macaamiishu isticmaali karaan lix kumbuyuutar iyo qadkii netka oo xarig la’aana. Luuqa jaraa’idyadana waxaad heleysaa fursad aad ku aqristo wargayska maalinlaha iyo maqaalada soo baxa xilligiiba mar waxyaabaha kalee badan ood ka heleysaana waa cilmi, xirfad iyo weliba waxyaabo kaloo diyaarsan.

Kaalayoo soo booqo guriga magaalada, teleefoon u soo dir ama iimeyl. Sidoo kale waad ka qabsan kartaa balan adeega la taliyaasha, haddii arrintaadu ku saabsan tahay sharciga deganaasha waddanka, dalabka jinsiyadda ama habka shaqaalaha maamulka u shaqeeyaan.

Viimeksi päivitetty 12.07.2011 09:24
 
Mainospalkki
Mainospalkki
Mainospalkki
Mainospalkki
Mainospalkki
Mainospalkki
Mainospalkki

Avoinna ma-pe 9-19, la-su 10-16, vapaa pääsy

Puhelinneuvonta (09) 310 11 111 ma-pe 9-15

Kaupungintalo, Sofiankatu 1 / Pohjoisesplanadi 11-13, Helsinki

Sivuston ylläpitäjä: Helsingin kaupunki, viestintä